Magaaladii Orodyahanada masaafada dheer oo dil labaad ka dhacay

Bahda ciyaaraha fudud ee dalka Itoobiya ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Orodyahanad u dhalatay Kenya oo lagu magacaabi jiray, Damaris Muthee Mutua, oo 28 jir ahayd, ka dib markii meydkeeda oo dhaawac mindi ah uu ku yaal laga helay magaalada Iten ee dalka Kenya, oo caan ku ah xarun ay ku ciyaaraan orodyahanada masaafada dheer.

Booliska ayaa sheegay in saaxiibkeed Itoobiyaanka ah, oo lagu magacaabo Eskinder Hailemaryam, uu yahay qofka lagu tuhunsan yahay dilkeeda, ayna ku raad joogaan.

Weli kamuu hadal arrintan. Waxaana la sheegay in uu ka baxsaday dalka Kenya.

Waxay ku dhalatay Kenya balse waxay u tartamaysay Baxrayn.

Booliska ayaa sheegay in Meydka Mutua laga helay magaalada Iten.

Waa haweeneydii labaad ee ciyaartooy ah oo lagu dilo magaalada muddo sanad gudihiis ah.

Sannadkii hore, dadka Kenyaanka ah ayaa aad uga naxay dilka Agnes Tirop oo orodyahannada Olombikada ka tirsanayd.

Ninkeeda ayaa wali xabsiga ku jira oo beeniyey in uu isagu dilay.