Maxay yeeli kartaa talaabada Karaash hanka Deni?

Deni dhabarjab ayay ku tahay,isagoo Xamar jooga oo Somali wax ka raadinaya in M.xigeenkiisii uu ka daba qayliyo.

Xataa Dowladninada Puntland ayay ceeb ku tahay khilaafka banaanka usoo baxay ee labada masuul.

Waxuu awooday oo waliba lagala taliyay in uu si buuxda ugu wareejiyo M.xigeenka awooda Dowladnimo lana hadlo Bulshada oo uu jeediyo khudbad.

Waa yasay taladaas,waxuuna ku dhaqaaqay talaabo guracan.

Saakay,waxba kama qaban karo talaabada Karaash qaaday,waxa kaliya ee ufuran waa in uu isdhagooleeyo ama kasoo tanaasulo raadinta Madaxweynaha Fadaraalka oo Garowe kusoo laabto si uu ula dagaalamo Karaash.

Sidoo kale F&F oo laga adkaaday dharbaaxooyin isxig-xigana ay ku socdeen meel ay ku nafisaana waayay,ayaa fursad helay oo Dadkii iskaga jiheeyay waxa Garowe ka socda.

Deni islaweynidiisa,isla fiicnaantiisa iyo anaa Dad ugu caqli badan waa midii lugaha ugalisay dagaalkii Bosaso ee laga baaqsan karay,maantana waa mida uu dhabarka iskaga jabiyay ee M xigeenkiisa uu ku qancin waayay.

Raganimo haduu hayo awooda uu la tagay Xamar F&F haku dilo.

Jibril Qoobey.