Xogta dhabta ah Ee shaqaaqada Gaalkacyo ka dhacday

Muumin ma hogaaminayn Ciidanka tagey Beerta Yaasiin Cabdisamad.

Ciidanka,waxaa hogaaminayay Talye xigeenka Qaybta Booliska Koomaad.

Maanta Dowladu,waxay soo saartay Wareegto lagu mamnuucayo kulamo siyaasadeed,sababtoo ah,waxaa Magaalada iska yimid Wasiirka Arimaha dibada oo Lacag iyo abaabul lasoo galay.

Ujeedka Ciidanku utagay Goobta kulanku ka socday waxay ahayd fulinta wareegtadaas sharciga ah.

Talye Koomaad markuu meesha tagey,waxuu codsaday in loo sii daayo gudaha oo uu arko waxa meesha ka socda.

Muran iyo is afdhaaf,ayaa goobtii ka abuurmay,kaasoo ugudbay gacan ka hadal.

Xabada,waxaa bilaabay ilaalada Wasiirka arimaha dibada rasaastii ay ku fureena waxay Talye Koomaad ka haleeshay Xabadka iyo Gacanta.

Kadib Ciidanka Booliska,ayaa isdifaacay halkaasna waxaa ku dhaawacmay Yaasiin Cabdisamad,mid ka mid ah ilaaladii Wasiirka,waxaana ku geeriyooday mid kale oo isla ilaalada Wasiirka ah.

Yaasiin Cabdisamad hada,waxuu yeelaa Moderen Hospital dhaawaciisuna waa daran yahay oo Xangulaha in ay wax ka gaareen,ayaa lasoo warinayaa.

Talye Koomaad isagana waxuu yaalaa Dhagacade,waxuuna qabaa dhaawac Gacantoo burburtay ah iyo Feeraha.

Xaaladu Magaaladu waa degan tahay,amaankana waa la adkeeyay.

Jibril Qoobey.