Gudi sare oo baaris ah ayay ubaahan tahay Shaqaaqadii Gaalkacyo ka dhacday shalay

Muumin,waxuu shalay ugu tagey meeshuu degan yahay Wasiirka Arimaha dibada,isagoo ku yiri..

“Wasiir soo dhawoow,Anagu amnigaaga,ayaan ka qayb qaadanaynaa,yaan naloo kala waramin aan kawada shaqayno Nabada”.

Wasiirku waa soo dhaweeyay,waxaana lagu kala soo tagay balan iyo is afgarad.

Kadib,Saraakiishu waxay la hadleen Yaasiin C.Samad oo ay ku yiraahdeen..

“Nabadoone xurmaan kuu haynaa,kuguma soo deg-degno,waa ka war wareegnaa ee Nabada nagala shaqee cidaad rabto wax ka sheeg”.

Yaasiin,waxuu ku yiri waa hagaag ee iigu imaada Beertayda aan wada hadalnee.

Kadib Talye xigeenka Booliska,ayaa loo diray,markuu tagay Beertiisa oo loo sii daayay ayna wada taagan yihiin Talyihii iyo Yaasiin,ayaa Xabad la bilaabay.

Waxaa Xabada bilaabay Ciidankii meesha ilaalinayay ee PSF ka tirsanaa.

Su’aasha iyo baaristu waxay tahay??

Sababta PSF ay Xabada ubilowday maxay tahay,iyadoo jawigu caadi yahay oo lawada sheekaysanayo lana kaftamayo?

Arintan waxay ubaahan tahay in Taliska Booliska iyo Taliska PSF ay saaraan Gudi sare oo baaris lana xiro Ciidamadii goobta wada joogay.

Jibril Qoobey.