Gudoomiye Sanyare oo si adag uga hadlay tagida Gaalkacyo Ee Wasiirka Arimaha dibada

Idaacada VOA: Gudoomiye Sanyare Guri masuul dawladeed iyo Odayaal dhaqan joogaan maxay Ciidamadu u weerareen yaa masuuliyada qaadaya?

Sanyare: “Ninkaa Wasiirka ah baa qaadaya Muxuu ka doonay Qaraabo kama joogto, Caruuri kama joogto, markii hore kumuu dhalan oo Aabihii iyo Hooyadii tooni majoogin wuxuu ku dhashay meel jawhar layidhaahdo, muxuu ka doonay hadii aanu fidno wadin!”

VOA: Gudoomiye saw maahayn inaad ogaysiisaan oo aydaan guri masuuliyiini joogto ciidamo iskaga dirin?

Sanyare: “Meeshii ay doonaan bay ciidanku gelayaan. Yaa ku yidhi guri masuul baa kajira? kama jiro guri aan ahayn ka gudoomiyaha gobolka, kuxigeenkiisa iyo Taliyaha qaybta. Waryaa rag baannu wiilashoodi qisaasnay, Ragna waxay doonaan bay samaynayaan. Wallaahi dariiqii Alshabaab aannu marsiinay baanu marsiinaynaa.”