Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka oo iska fogaysay booqashada Ilhaan Cumar Ee Kashamir

Mareykanka oo war ka soo saaray booqashada Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska dalkaas ayaa sheegay in booqashadeeda aysa ahayn mid rasmi ah oo uu wax ka ogyahay.

Mid ka mid ah la taliyeyaasha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, Derek Sholet, ayaa yiri, “Tani waa booqashdeeda aan rasmiga ahayn. Marka la eego isbeddelka ku yimid siyaasadda dowladda Mareykanka, booqashadeedu wax shaqo ah kuma lahan siyaasaddeenna midna.”

Goor sii horreysay shalay, dowladda Hindiya ayaa cambaareysay booqashada Ilhaan Cumar ee shan maalmood ay ku joogeyso Pakistan.

Hindiya ayaa sheegtay in booqashadeeda ay carqaladeyneyso madax bannaanida dalkaas. Waxay sidoo kale booqashada Ilhaan ku tilmaantay mid maangaabnimo siyaasadeed ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya, Arindam Bagchi ayaa yiri, “Waxay booqatay qeybo ka mid ah Jammu iyo Kashmir oo a haatan si sharci darro ah ku heysato Pakistan. Haddii siyaasi walba uu doonayo inuu ku dhaqmo siyaasaddiisa maangaabnimada leh, waa shaqo u taalla.” Balse waxay carqalad ku tahay sumcadda geyigeenna.”

Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa booqasho ku tagtay gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan ka maamusho. Laakiin arrintan ayaa qabsatay warbaahinta kaddib markii ay cadho ka muujisay dowladda Hindiya.