Jubaland oo soo gabagabaysay Doorashadii Ceel-waaq

Jubaland si rasmi ah ayay usoo gabagabaysay doorashada 51-ka Kursi ee lagu dooranayay Deegaamadeeda.

Waxaa ugu danbeeyay Doorashada 5-ta Kursi ee saakay lagu doortay Ceelwaaq.

Shalay,waxaa la doortay 11-Xildhibaan,iyadoo uu goob joog ka ahaa furayna Doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe.

Maanta,waxaa soo afmeeray Doorashada guud ahaan Jubaland Madaxweyne xigeenka Maxamuud Sayid oo ku sugnaa Ceelwaaq.

Jubaland Guul weyn ayay utahay soo gabagabaynta Doorashadan.