Madaxweyne Deni oo aqoonsaday Xildhibaanada Ceel-waaq lagu doortay

Waxaan hambalyeeynaya Doorashada 16-ka Kursi ee Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ee maanta lagu soo gebageeyay magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaan u rajeynaya xildhibaanada cusub in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.

Sidoo kale waxaan boggaadinaya Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Jubaland iyo Dowladda Jubaland, oo wakhti badan iyo dadaal ku bixiyey sidii loo soo gebagebeeyn lahaa Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ee deegaan Doorashadoodu tahay Gobolka Gedo.

Waxaan inoo wada rajeynaya in howlaha Doorashadu ay inoogu dhammaadaan si wanaagsan.

Madaxweyne Deni.