Madaxweyne ku xigeenka 1-aad Ee Jubbaland Oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay Ceel-waaq

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay hoolka doorashooyinka ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

“ Waxaan rabaa in aan la garnaqsado Madaxweynaha Soomaaliya Walaalkey, ina adeerkay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. ”

“ Dadka Gobolkaan ku nool iyo bulshada reer Jubbaland xad gudubyada aad u geysatay ee sanadaha socday ee xeerkii dalka iyo dastuurkii aad u dhaaratay ka baxsan naga jooji wey nagu filantahaye.”

“ Magaalo madaxdii sharafta lahayd (Garbahaarey ) oo aan runtii aad iyo aad uga xumahay waxaad geysay ciidan amar ku qaba in dadka gobolkaan ay kala qaybiyaan, la diriraan, sharciga baal ka maraan, anagana ay na dilaan. “

“ Anaga gobolkaan baan ku dhalanay 30-sana ayaan ka khidmaynaynay tacabkayagii oo dhan baad burburisay, maamulkoodii baad burburisay, waa maxay waxa kaaga lumay uu gobolkaani kaga duwanyahay Soomaaliyada kale.? “