Dhabancad Oo aqbalay dhaarinta Xildhibaanada Ceel-waaq

Ugu danbayn Dhabancad,waxuu aqbalay si gorgortan la’aan ah in la dhaariyo Xildhibaanada Ceel-waaq.

Waxaa soo xoojiyay doodii Dhabancad iyo Rooble siyaasiyiin iyo waxgarad ehel u ah labadooda.

Laba Qodob,ayaa lagula dooday Dhabancad oo lagu qanciyay…

1.Dood sharci oo oranaysa yaa ka mudan dhaarta Xildhibaanada Ceel-waaq lagu doortay haday haystaan soo gudbintii Gudiga Doorashada heer Jubaland,ayididii Madaxweynaha Jubaland,aqoonsigii Gudiga Doorashada heer Fadaraal iyo hanbalyadii Ra’isalwasaaraha?

2.Ka Beel ahaan Habar-gidir waxaan usharaxanahay Kuraasta Dalka ugu saraysa,waxaana ubaahanahay isbahaysi,sidaa daraadeed Beesha Kablalax Daarood ma rabno in aan iska hor nimaano.

Doodaas kadib si buuxda,ayaa layskula qaatay in Xildhibaanada Ceel-waaq lagu soo doortay Dhabancad uusan caqabad ku noqon dhaarintooda.

Jibril Qoobey.