Hawlgalka Atmis oo udiyaar garoobay sugida amniga Doorashada ee Gudoonka Baarlamaanka Labada Aqal

Midowga Africa ee Soomaaliya,ayaa sheegey iyagoo fulinaya la tashi ay la sameeyeen xafiiska Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya adkeenyaan amniga xerada Xalane gaar ahaan Afis-yoone halkaas oo la filayo iney ka dhacdo doorashada gudoonka labada aqal ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Taliska howlgalka Midowga Africa ee ATMIS qoraal uu soo saaray,waxuu ku sheegay in bandow lagu soo rogay xerada Xalane maalmaha 26-ka iyo 27-ka bishan ee ay dhacayaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka Labadiisa Aqal.

Ku dhawaaqistaas,waxaa ka qaracmay oo u arkay in ay muujinayso fashil ku yimid qorshe ay ku carqaladayn lahaayeen fadhiga kooxaha F&F.

Isbahasiyada Mucaaradka waxay u tahay guul iyo in ay ka badbaadeen dabinadii amni ee labada Nin F&F.

Halkan ka akhriso:-