Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo la magacaabay

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug.

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr. 93, April 24, 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dowladda Puntland.

Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.

Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Shiikh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.