AXMED MADOOBE OO NASIIB DARO KU TILMAAAMAY WEERARKA LAGU QAADAY GUDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA.

MADAXWEYNAHA OO NASIIB DARO KU TILMAAAMAY WEERARKA LAGU QAADAY GUDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA.

Kismaayo, 25, April, 2022-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa nasiib daro ku tilmaamay qorshayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu ku carqaladaynayo doorashooyinka dalka oo ay u danbaysay weerarkii caawa lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka oo ka qeybgalayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JFS.

Waxaa Madaxweynahu uu tilmaamay in lagula xisaabtami doono sarakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah ee golaha shacabka sida naf hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka.

Ugu danbayntii waxaa Madaxweynahu uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagan Xildhibaanada baarlamanaka iyo gudoonkooda KMG ah si dalka looga saaro marxaladan adag isla markana ay indhaha ku hayaan qorshayaasha lagu curyaaminayo in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka gaba gabada maraya taas oo masuuliyadeeda ay qaadayaan sarakiisha ciidamada iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

                       DHAMMAAAD.