Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Gaalkacyo Ee Karaash?

Axmed Karaash hada,ayuu ka baxay Garowe oo u jihaystay Gaalkacyo.

Socdaalkiisa qayb kama ahan Golaha Wasiirada oo xataa ma raacin Agaasime Guud.

Waxaa kaloo ka gaabsaday raacidiisa Gudoomiyihii Gobolka ee uu magacaabay Faysal Jifo-jabsade.

Sida aan xogta ku helay habeen danbe xiligan oo kale,ayuu kasoo laabanayaa Gaalkacyo.

Ujeedka socdaalkiisu waxaa ugu weyn Laba Qodob oo kala ah…

1.La kulanka Wasiirka Arimaha dibada.

2.La kulanka Odoyaal uu sheegay in ay uyeereen.

Soo laabadkiisa,waxaa uqorshaysan in uu xilka ka qaado Wasiir Dhabancad kuna badalo Wiil lagu magacaabo Maxamed Baldho.

Sidoo kale,waxuu soo saari doonaa Warqad uu ku amrayo dhisida Golaha Deegaanka Gaalkacyo.

Hadafka socdaalkiisa Gaalkacyo,waa ismuujin iyo in uu yiraahdo,waxaan lasoo tashtay waxgaradka Mudug.

Madaxweyne Deni khamiista,ayuu imaanayaa Puntland.

Jibril Qoobey.