Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Guddoonka golaha shacabka

Waxaa weli hubanti la’aan ay ka taagan tahay qabsoomidda doorashada guddoonka golaha shacabka Soomaaliya oo qorshuhu yahay inay maanta dhacdo, ayada oo xiisad ay ka jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Hoolka doorashada oo ah Teendhada Afisyoone ayaa waxaa gaaray qaar ka mid ah xildhibaanada, oo uu ku jiro guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, hase yeeshee xildhibaano badan ayaanay taas u suurta-gelin.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo qoraallo soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in ciidan boolis ah ay celiyeen, oo ay u gudbi waayeen xarunta, sidaas darteedna ay dib u laabteen.

Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Teendhada Afisyoone ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay yimaadaan, xarunta wuxuuna booliska ka codsaday inay soo fasaxaan.

“Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Cabdisalaan Dhabacad.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga doorashada golaha shacabka xildhibaan Cabdirsiaaq Cumar Maxamed oo dhinac taagnaa ayaa sheegay inay ka go’an tahay in doorashada ay qabtaan maanta xitaa haddii ay caawa ku gaarto.

Cabdirsiaaq ayaa intaas ku daray inay afur ugu diyaarinayaan xildhibaanada Teendhada Afisyoone, si haddii waqtigu dheeraado ee ay halkaas ugu afuraaan.

Xildhibaanada ayaa si tartiib ah u gaaraya Teendhada Afisyoone, balse ma cadda illaa hadda tirada ku sugan halkaas iyo xilliga uu buuxsami doono kooramka, si kulanka u qabsoomo.