Aadan Madoobe oo loo doortay Afhayeenka Golaha Shacabka ee Soomaaliya

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaadhaya 163 halka musharax Xasan Cabdi Nuur oo la tartamayeyna uu helay codad gaadhaya 89 cod.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee loo doortay golaha shacabka, isaga oo sheegay inuu ku qanacsan yahay habka doorashadani u dhacday oo uu ku sheegay inay tahay doorasho xor ah oo xalaal ah.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa isla markiiba la dhaariyey isagoo haatan wixii ka dambeeya la wareegaya masuuliyadda hoggaaminta golaha shacabka.

Doorashada Guddoomiyaha ayaa soo dhamaatay 2:30 habeenimo, wakhtiga magaalada Muqdisho, waxaana la soo xidhay fadhigii golaha shacabka iyada oo maalinta berri ahna loo ballamay in la sii ambaqaado doorashada guddoomiye ku xigeenada.

Sh. Aadan Madoobe oo hore uga tirsanaa xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa bishan April 19-keedii iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayey xisbigaas.

Aadan Madoobe ayaa hore u soo qabtay xilka afhayeenka baarlamaanka, intii u dhexeysay sannadihii 2007 illaa 2010. Sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal wasiirnimo oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caddaaladda iyo Ganacsiga.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa soo afjaray, muddo ka badan hal sano oo ay dalka ka jireen murano siyaasadeed oo hadheeyey arrimaha doorashooyinka, waxaana haatan wixii ka dambeeya la filayaa in loo diyaargaroobo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah tan ugu xasaasisan.