Madaxweyne Deni oo hanbalyo udiray Gudoomiye ku xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee loo doortay Golaha Shacabka JFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

“Hambalyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee loo doortay Golaha Shacabka JFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow, waaxaan alle uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.

Waxaan boggaadinaya shaqada adag ee ay qabteen Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka JFS, Guddiga Doorashadda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Ciidamada Amniga sugaya, waxaad u dhabar adeygteen oo labo maalin gudaneyseen waajibaad Qaran.

Hadda waxaa inoo soo dhameystirmay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS, waxaana inooga sii horeeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, alle ayaa mahadleh si wanaagsan inoogu soo dhameeyay, dalku maanta Hay’addo sharci dejin oo sharciyad haysta oo dhameystiran ayuu yeeshay, waxaan inoo rajeynaya Doorashada Madaxweynaha JFS in ay si wanaagsan inoogu dhacdo.

Hambalyo,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland , Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.