Madaxweyne Deni oo loogu baaqay in uu karaameeyo Labada ku xigeen Ee Gudoonka

Madaxweyne Deni,waxaan ku dhiirigelinayaa Labada Ku xigeen ee Labada Aqal Baarlamaanka Fadaraalka kana soo jeeda Puntland in la karaameeyo.

Karaamayntaas waxaa ugu horeeya kulanka bogaadinta ah ee uu Madaxweynuhu la qaatay.

Waxaa ku xigi kara in la maalgeliyo oo loo diyaariyo midkiiba Laba Baabuur oo mid ka mid ah aysan Xabadu karin oo ugu badnaan ay ku baxayso 60-kun oo dolar.

Sidoo kale in laga caawiyo Deegaanka oo kharash badan uga baxo Xildhibaanada iyo Gudoonkooda.

Karaamayntaas,waxay taraysaa…

1.In iyaguna isku arkaan Laba masuul oo kasoo jeeda Maamul adag oo Puntland la yiraahdo.

2.In aan lagu kufsan dayac amaan iyo mid daneed.

3.In danaha gaarka ah ee Puntland ay uqumi karaan.

Madaxweyne karaamee masuuliyiintaas si maqaamkeenu usareeyo mar walba.

Jibril Qoobey.