Maraykanka oo kaalmo Milateri iyo mid dhaqaale oo dheeriya udiraya Ukrain

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa golaha sharci-dejinta ee Maraykanka weydiistay Khamiistii inay meel mariyaan $33 Bilyan oo kaalmo dheeri ah, si Ukraine ay uga caawiyaan inay iska caabbiso duullaanka ciidamada Ruushka shanta bilood ee soo socota.

Golaha ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar ujeedkiisu ahaa in meesha laga saaro caqabadaha gaabiska ka dhigaya in Ukraine la gaarsiiyo kaalmo milatari, iyadoo Biden uu aqalka Cad ka sheegay inaysan weeraraynin Ruushka, balse ay caawinayaan Ukraine si ay isu difaacdo.


Aqalka Cad ayaa sheegay in qorshaha cusub ee $33-ka Bilyan ay kujiri doonto $20 billion oo loogu talagalay hub iyo gargaar milatari oo cusub iyo $8.5 Bilyan oo kaalmo dhaqaale ah oo Ukraine loogu talagalay.


Aqalka Cad ayaa sidoo sheegay in inta dhaqaalaha kasoo hara loo isticmaali doono gargaarka wax soosaarka cuntada, si loogu oggolaado adeegsiga sharci wax soo saarka difaaca, loona ballaariyo wax soosaarka kale ee gudaha ee uu carqaladeeyay dagaalku.


Soo jeedinta Biden ayaa ah mid laba jibbaar ka badan lacago $13.6 Bilyan oo kaalmo oo aqalka Congresska ay horay ugu asnsixyeen in la gaarsiiyo Ukraine, waxaana xoghaya warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Paski ay sheegtay inay kalsooni ku qabaan in Kongressku uu sii wadi doono taageerada Ukraine.

Dhinaca kale Ruushka ayaa duqeeyay meelo uu ka bartilmaameedsaday Ukraine oo ay kujirto magaalada caasimadda ee Kyiv, xilli dalkaasi uu booqanayay xoghaya guud Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Duqeymaha ayaa dhacay saacado un kadib markii shir jaraa’id ay wadajir u qabteen Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy iyo Guterres.