Maraykanka oo ku baaqay in dhakhso loo qabto doorashada Madaxweynaha Somaliya

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Muqdisho, ayada oo dalbatay in si deg deg loogu xajiyo doorashada madaxweynaha.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda.”

“Waxaan boorineynaa in si deg deg ah, nabdoon la iskuna haleyn karo loo soo geba-gebeeyo tallaabada ugu dambeysa hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada madaxweynaha.”

Geba-gebada doorashada guddoonka baarlamanka ayaa waxaa sidoo kale bogaadiyey saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022. Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen saaxiibada.

“Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashada baarlamaanka,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa sidoo kale booriyey in doorashada Madaxweynaha hadda lagu soo dhameeyo si dhakhso leh, nabdoon, oo lagu kalsoonaan karo.