Al-Shabaab oo qorsheynaysa weeraro iyo Afduub & digniin laga soo saaray

Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniino la xiriira in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay meelo kamid ah Soomaaliya ka geystaan falal isugu jira Afduubasho iyo weeraro qorsheysan intaba.

Dowladda Uk waxaa ay sheegtay in Al-Shabaab ay hanjabaado u jeediyeen dowladaha Reer galbeedka iyo Hay’adaha u Shaqeeya, taas oo keentay in xaalad cabsi oo dhanka Amniga ah laga dareemo magaalada muqdisho.

“Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay ajaanibku booqdaan,” ayay tiri dowladda UK.

Sidoo kale dowladda Uk waxaa ay sheegtay in khatar weyni ka jirto gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya lagana cabsi qabo dambiyo ka dhaca biyaha caalamiga ee Soomaaliya, iyada oo digniinteeda ka reebtay saddex gobol oo kuyaala Somaliland oo kala ah, gobolka Maroodi jeex (Hargeysa), Awdal (Borama) iyo Saaxil (Berbera).

Dowladda Uk ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada Dhaqaale siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay ka qeyb qaadataa dib u dhiska ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.