Madaxweyne Deni oo dhambaal u diray Shaqaalaha ka howlgalla deegaanada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda maalinta Shaqaalaha adduunka ugu hambalyeeyay guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Puntland.

“ Munaasabadda maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed, oo lafdhabar u ah dowladnimada, horumarka iyo kaabista nolosha qoysaska Soomaaliyeed.

Waxaan boggaadinaya shaqaalaha caawiya ciidamada ku jira furimaha hore, sida wiilasha iyo gabdhaha ka shaqeynaya amniga, howlwadeenada caafimaadka, adeegayaasha Bulsho iyo kuwa ka shaqeynaya arrimaha Bulshada. .

Si gaar ah waxaan ugu hambalyeeynaya Shaqaalaha Puntland, inagoo hirgelinay qorsheyaashii Horumarinta shaqaalaha, kor u qaadista xuquuqdooda iyo shaqo abuurka Dhallinyarada aan shaqeyn, isbedelkaasi oo hadda ka muuqda Puntland inshallah Guud ahaan Soomaaliyana aan u rajeynayno” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD