Sheekh Shariif oo ku guuleystay kursiga HOP#146

Madaxweynahii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku guuleystay kursiga HOP#146 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu ku qabsoontay magaaladda Jowhar.

Musharaxa la tartamayay oo ahaa Shariif Abuukar Axmed Sebriye ayaa ka tanaasulay tartanka, waxaana kadib loo qaaday codeyn gacan taag ah oo madaxweynahii hore uu ku helay 101 cod sida guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen.
Sheekh Shariif ayaa kamid ah Musharraxiinta Madaxweynaha DFS, Waxaana uu kamid noqonayaa musharrixiinta soo qaatay kuraasta Golaha Shacabka BJFS ee beelahooda.