VIDEO: Goormee la bilaabayaa dayactirka Dekedda Boosaaso ?

A general view shows activity at Somali's northern port town of Bosasso, November 24, 2008. Somali pirates holding a Saudi supertanker after the largest hijacking in maritime history have reduced their ransom demand to $15 million, an Islamist leader and regional maritime group both said on Monday. REUTERS/Abdiqani Hassan (SOMALIA)

Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono dayactirka iyo ballaarinta dekedda Boosaaso ee isha dhaqaalaha Puntland.
Wasiir Axmed Yaasiin oo la hadlayay Telefishinka Puntland, ayaa xusay in kaddib is afgarad dhexmaray Puntland iyo DP World uu horseeday in Madax iyo Injineero ka socda DP World ay soo gaaraan Puntland, sidoo kalena ay bilaabaan qiimeynta Dekedda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Dekeddaha Puntland ayaa sheegay in muddo 5 ilaa 6 bilood gudahood ah, wax badan iska bedeli doonaan Dekedda Boosaaso, isagoo ugu baaqay dadka faafiyay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah shaqada Dekedda Boosaaso inay ka waantoobaan.