Video:-Rooble oo Hanbalyo ka diray munaasabada Ciida

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo si nabad iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid.

Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

Munaasabadda Ciiddul Fidrigu sanadkan waxa ay ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii hore xilligan oo kale, markaas oo ay dalka ka jirtay xaalad amni yo siyaasadeed oo aad u kacsan taas oo la xiriirtay doorashada dalka iyo heshiis la’aanta siyaasadeed ee dalka ka taagneyd.

Alla mahaddii sanadkan waxa aan farxadda Ciidda u dabbaal dageynaa, iyadoo howlihii doorashadu soo gaareen heer gebogebo ah, ka dib dadaal iyo shaqo badan aan galinnay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.

Halkan ka daawo muuqaalka