Aadan Madoobe oo ganafka ku dhuftay Codsi Farmaajo uga yimid

Aadan Madoobe,waxuu iska diiday codsi uu usoo jeediyay Farmaajo.

Farmaajo,waxuu usoo jeediyay Aadan Madoobe in laysla tuuro Xildhibaanada Gedo kawada yimid oo lagu tixgeliyo isaga maadaama uu Gobolkaas kasoo jeedo.

Sida wararku sheegayaan Aadan Madoobe waxuu si cad ugu sheegay in Xildhibaanada Ceel-waaq yihiin kuwa sharciga ah oo haysta Shahaadada Gudiga Doorashada ayna dhaariyeen Gudoonkii KMG ahaa.

Kulankii salaanta ahaa ee maalmo ka hor dhacay ayay doodaas ka dhex dhacday.