Aadan Madoobe oo ku wergeliyay saraakiisha amniga in ay ka amar qaataan

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),ayaa iskugu yeeray Taliyeyaasha Nabad Suggida.waxuuna siiyay digniin adag oo ku aadan inaysan ku milmin Siyaasada.

Aadan Madoobe,waxa uu ku wargeliyay in ay isaga ka amar qaataan xilliga kala guurka ah inta laga dooranayo Madaxweynaha Jamhuuriyada.

“Waxa uu si cad ugu sheegay in ay ka qaataan awaamiirta ku saabsan amniga doorashada ilaa laga dooranayo Madaxweyne”.

Hadalkan,waxuu imaanayaa,iyadoo ay soo baxayso hadal hayn sheegaysa in F&F ay soo jeediyeen doorashada Madaxweynaha in ay ka dhacdo meel aan ahayn Teendhada Afisyoone.

Waa hadal cad oo ay soo dhaweeyeen dhamaan musharaxiinta Madaxweyne.

Jibril Qoobey.