Al-shabaab oo weerartay Saldhig ay leeyihiin Ciidamada ATMIS

Ururka Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar culus ku qaaday fariisin ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/dhexe.

Al-Shabaab oo war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kadib ay xoogga Al-Shabaab u suuragashay in ay la wareegan gacan ku heynta guud ahaan saldhigga ciidamada.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in 59 askari oo ka tirsan ATMIS lagu dilay dagaalka, dhowr iyo toban kalena lagu dhaawacay. Balse ma jiraan illo kale oo madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.