Maxay kawada hadleen Beesha caalamka iyo Aadan Madoobe?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay saaxiibbada beesha caalamka, gaar ahaan kuwooda lagu magacaabo C6+.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Xubnaha C6+ ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye sheekh Aadan Madoobe ajiibida kulanka oo ahaa mid muhiim u ah mustaqbalka dalkeenna.

                   Dhamaad