Putin oo muujiyay rabitaankiisa joojinta dagaalka Ukrain

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in dalalka reer Galbeedka ay awoodaan inay gacan ka gaystaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka, taas oo ku iman karta buu yiri iyagoo cadaadis badan saara madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, dhanka kalana ay joojiyaan hubka ay ku baritaarayaan Kyiv.

Hadalkan ayuu Putin ku soo qaaday wadahadalkii ugu horreeyay ee dhanka taleefanka ah oo muddo ku dhaw bil uu la yeesho madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Bayaan lagu daabacay barta madaxtooyada Ruushka ayaa lagu sheegay in Putin uu xusay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay iska indhatiraan “dambiyada dagaal” ee uu aaminsanyahay in ciidammada Ukraine ay galeen, isagoo dhanka kale ku eedeeyay inay madaafiic ku bartilmaameedsadaan xaafadaha la deggan yahay ee gobolka Donbas.

Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray ciidammada Ukraine.

Dhankiisa Macron ayaa waxa uu ka dalbaday Putin in dagaalka uu joojiyo si dad badan oo rayid ah ay isaga baxaan warshadda Azovstal ee ku taal magaalada Mariupol ee waddanka Ukraine.

Ciidammada Ruushka,ayaa dukheyn culus goobtaas la beegsay kaddib markii kooxdii ugu horraysay ee rayid ah halkaas isaga baxeen.