Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo wada canbaareeyay Weerarkii Ceel-baraf

Qaramada Midoobay,ayaa war ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday weerarkii Al Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhigga ciidamada Burundi ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf.

“QM waxay si adag u garab taagan tahay ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya oo dadaal ugu jira sidii ay u hagaajin lahaayeen amniga Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay UNSOM Soomaaliya.

Dhanka kale, gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa dhankiisa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi.

Al-Shabaab oo shalay war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kaddib ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku heynta guud ahaan saldhigga.