Xildhibaanada Ceel-waaq oo si rasmi ah uga mid noqonaya Baarlamaanka Fadaraalka

Guddoonka Baarlamanka Fadaraalka Soomaaliya,ayaa goordhow go’aan kasoo saari doona muranka xildhibaanada Gobolka Gedo oo markii hore la saadaalinayay in laga reebi doono doorashada Madaxweynaha ee 15-ka May.

Waxaa la filayaa inuu guddoonka sii daayo 16-kii kursi ee lagu soo doortay Degmada Ceelwaaq.

Xildhibaanada Ceel-waaq,ayaa haysta aqoonsiga Gudiga doorashada heer Jubaland,Gydiga Doorashada heer Fadaraal iyo dhaarta Gudoonkii Kmg ahaa ee Golaha Shacabka.