Faallo:-Maxay uga dhigan tahay reer PL Ag-istaaga Khayre Ee Cali Xoosh kasoo muuqday?

Cali Xoosh waa 60-jir laba jeer Xildhibaan noqday maqaamkaas Nin wata oo reer Puntland ah in uu halkaas ka cad goosto waa ilhaamo.

Ma’ahan Nin han sare leh oo xataa Wasiir ku xigeen ma rabo ee kaliya,waxuu ku qanacsan yahay ka ag qaraabashada Khayre oo wax ah.

Wax saamayn ah kuma yeelan doono Xildhibaanada kale Cali Xoosh.

Balse ag taagnidiisa Khayraha loo yaqaan Saqiirka Siyaasadeed ee Beesha Hawiye waxay ceeb ku tahay reer Puntland,gaar ahaan Majeerteen,siiba Maxamuud Saleebaanka cadka sare raadinaya.

Islaan Ciise oo ah damaanad qaadaha Codka Cali,ayuu si toos ah utaabanayaa dhaqankiisu.

Islaanku Koofiyadiisii,ayuu dul dhigay Cali,waxuuna uburburiyay mid ka mid ah Saldanooyinkii ugu miisaanka cuslaa kuwa reer Puntland.

Xiligii Gaas iyo Faroole ku tartamayeen Madaxweynaha Puntland,ayuu Islaan Ciise la diriray Faroole oo raadinaya Cadka weyn,isagoo Ina Cabdinuur iyo reer Samatar la raadinaya Wasiirka Maaliyada.

Haatana Islaan Ciise ma waxuu ku faraxsan yahay in Khayre cadka labaad siiyo reer Samatar iyadoo Madaxweynihii PL raadinayo cadka sare?

Xasan Shire oo doorashada Cali Xoosh aan wax ka waydiiyay xiligii tartanka,waxuu ii sheegay in isaga iyo Maxamuud aysan shaqo ku lahayn ee Islaanku uu wato,warkaas oo aan sii dabagalayna waxuu noqday dhab.

Codka Cali Xoosha macno ma samaynayo,balse Khayre ag istaagiisaa ilhaamo ku ah 60-,jir reer PL ah oo og waxa uu Dadkiisa ugaystay.

Jibril Qoobey.