Faallo:-Sareedo waa Hooyo ee Siyaasiyad shaqo kuma lahan!!

Kursiga Marwadan ku fariisatay,waxaa qayb ahaan uqaatay Beesha Maxamuud Ibraahim (Reer Maxamuud).

Laba Nin oo Ganacsadayaal ah,ayaa kasoo shaqeeyay oo Deni kula diriray kana soo dhex qaaday Beelweynta Majeerteen Xildhibaan Shaaciye iyo Ninka leh Hotel Airport.

Deni isagoo ka cararaya Ragaas saamayntooda,ayuu Gabadhan oo meel iska fadhida kusoo qoray Kursigii kana bixiyay kharash gaaraya ugu yaraan 50-kun oo dolar.

Haatan waxay taagan tahay Kursiga,waxaan ugu adeegayaa Bulshada danyarta ah ee dhibaataysan!!

Gabadhu waxay ilowsan tahay Khayre in uu yahay kii Bulshada dhibaateeyay ee Ardayda Shahaadadoodii hor istaagay!!

Hadiise Deni ku yiri anagu Cadka sare,ayaan raadinaynaa ee iskadaa raadinta Cadka hoose ma dagaal baa??

Sareedo waa Hooyo ee Siyaasiyad shaqo kuma lahan markaan udhabo galay ee Kursiga hasoo celiso!!

Jibril Qoobey.