Halkee maraysaa diyaargarowga Doorashada Madaxweynaha?

Waxaa socda diyaargarowga doorashada madaxtinimada ee Somaliya,taas oo la filayo inay qabsoonto maalinta Axadda ee 15-ka May. In ka badan 30-Musharax,ayaa illaa haatan la guddoonsiiyey shahaadooyinka u ogolaanaya inay u tartamaan kursiga Madaxweynaha Somaliya.

Guddida Doorashada ee labada Gole ee loo xilsaaray doorashada madaxtinimada,ayaa xalay sheegay in 4:00 galabnimo ee maalinta Salaasada ee bisha May ay tahay 10-ka inay tahay xilliga ugu dambeeya ee musharaxiintu ay fursadda u haystaan inay qaataan shahaadooyinka musharaxnimada kursiga Madaxweynaha.

Guddida doorashada,ayaa sidoo kale musharaxiinta is-diiwaangeliyey iyo kuwa raba inay is-diiwaangeliyaan u sheegay inay maalinta Salaasada ee 10-ka May ku soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mida barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul electronic ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya Sh. Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan la yeeshay saraakiisha ugu sarsaraysa ciidanka nabad ilaalinta ee ATMIS oo ay ku jiraan ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika u joogta Soomaaliya marwo Fiona Lortan, taliyaha guud ee ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen. Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

Kulankan,ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doorashada, iyada oo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya uu ku booriyey saraakiisha uu la kulmay inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee ka saaran ilaalinta amniga doorashada.

Sidoo kale,waxaa Gudigu sii daayay Habraaca Amaanka Doorashada.