Maraykanka”Somaliland waxaan ula macmiilaynaa Maamul Goboleed ka tirsan D.Fadaraalka”

Marayakanka oo si cad usheegay in uu Somaliland ula dhaqmayo Dowlad Goboleed hoostaga Dowlada Fadaraalka ah,isla markaana kula shaqaynayo hanaan waafaqsan Siyaasada Maraykanka ee ah (Somali mid ah).

Hadalkan,waxuu niyad jab iyo dharbaaxo Diblomaasiyadeed ku noqday Maamulka Somiland ee u ooman macmiil Diblomaasiyad gaarsiisan heer Qaran.

Wefti ay hogaaminayaan Safiirka Maraykanka iyo Talyaha Africom,ayaa gaaray Hargaysa kulana kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Ujeedka socdaalka weftiga Maraykanka,ayaa ku aadan wada shaqayn amaan,gaar ahaan isticmaalka garoonka diyaaradaha ee Berbera oo la fahansan yahay in Maraykanku si dadban dib udhis ugu sameeyay isagoo usoo maray Dowlada Imaaraadka Carabta.

Waxaa xusid mudan in Weftiga Maraykanka ee gaaray Hargaysa ay wateen diyaarado ugaar ah oo dul heehaabayay Magaalada intii ay la shirayeen Muuse Biixi,taasoo muujinaysa kalsoonidarada amni ee lagu qabo Maamulkaas.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Muuse,ayaa kal hore,waxaa toos udhagaystay Sirdoonka Ingiriiska,iyagoo la hadlaya hogaamiyayaasha ugu sareeya Alshabaab.

Sidaanoo kale isla weftigan oo ka kooban Safiirka iyo Talyaha Africom,ayaa booqday Bosaso mana jirin Diyaarado iyo Ciidan gaar ah oo xiray hawada Bosaso mudadii ay ku sugnaayeen halkaas.

Jibril Qoobey.