Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Dhuusamareeb

Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saaka duullaan ballaaran ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana halkaa hadda ka socda dagaal culus.

Waxaa la dagaallamaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga.

Dagaalka xooggiisa,ayaa hadda ka socda xarunta Inji, Xero Gaadiid,Madaxtooyada, Isbitaalka guud iyo Saldhigga Booliska.

Marba dhinac,ayaa la riixayaa oo weli Xabbadu way socotaa mana jirto cid ku adkaatay ilaa hadda dagaalka oo si buuxda ula wareegtay Magaalada.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka lama xaqiijin karo ilaa iyo hada.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa labaduba ku sugan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada dhici doonta Axad.

Dhammaadkii bishii October 2021 ayaa xooggaga Ahlu Sunna waxaa laga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro baahsan.