Booliska Fadaraalka oo Magaalada Muqdisho bandow kusoo rogay 

Booliska magaalada Muqdisho ayaa bandow kusoo rogaya caasimadda, kaas oo ka bilaabanaya 9:00 fiidnimo ee caawa, ka hor doorashada madaxweynaha oo dhaceysa Axada berri ah, waxaana Bandowga uu socon doona ilaa lixda subaxnimo ee Isniinta.

Tallaabadan ayuu afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashanle Cabdifitaax Aadan Xasan ku sheegay in ay tahay mid amni. “Waxaa lagama maarmaan noqotay in la sugo ammaanka guud ee dalka xilliga lagu jiro doorashada madaxweynaha” ayuu yiri Gaashanle Cabdifitaax.

Waxa uu sheegay in la hakin doono dhammaan dadka iyo gaadiidka xilliga lagu jiro bandowga, wuxuuna sheegay in haddii dadweynaha ay lasoo gudboonaadan xaalado deg-deg ah inay la soo xiriiri karaan booliska, si ay u caawiyaan.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda saacadihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada, iyada oo musharaxiinta, xildhibaannada iyo madaxda maamul goboleedyada ay u socdaan kulamo la xiriira codbixinta madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Sabtida berri ah, oo ku beegan 15-ka May, ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana doorashadan tartankeeda iska diiwangeliyay 39-musharax.