Ciidamada Ruushka oo awoodi waayay in ay qabsadaan Kharkiv

Hay’ad cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka,ayaa sheegtay in muddo 11-Todobaad ah oo Ruushku dagaal ka waday Ukraine uu ku guuldareystay inuu go’doomiyo magaalada Kharkiv, wuxuuna hadda u muuqdaa in uu diiradda saarayo sidii iyaga oo bad qaba uu ugala bixi lahaa ciidamadiisa guudahaan gobalka.

Bartamaha magaalada Kharkiv,ayaa si weyn loo dukheeyay intii uu socday duulaanka Ruushka, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo rayid ah.

Qabsashada Kharkiv waxay ahayd mid ka mid ah yoolalka muhiimka ah ee Ruushka.

Khudbadii ugu dambeysay ee muuqaal ah, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelinsky wuxuu sheegay in ciidamada Ukraine ay sameynayaan wax walba oo suurtagal ah si ay dalka u xoreeyaan.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Ukraine,ayaa ku guuleystay inay la wareegaan qaar ka mid ah tuulooyinka uu Ruushku horey u qabsaday.