Beesha caalamka oo hanbalyo usoo dirtay Madaxweyne Xasan Shiikh

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa u hambalyeeyay Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay mar kale Baarlamaanka Soomaaliya u doortay madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan rajaynayaa inaan si dhow uga wada shaqeeynno danaha guud ee labada dal iyo kuwa gobolka”. ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku yiri bayaan uu soo saaray.

Dhinaca kale Dowladda Britain,ayaa sidoo kale hambalyo soo gaarsiisay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

“Hambalyo Xasan Shiikh Maxamuud, oo mar kale loo doortay madaxweynaha Somaliya, UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Somalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida, la dagaallanka Al-shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an” ayay tiri wasiirka arrimaha Africa ee UK Vicky Ford.