Maxay yihiin talaabooyinka ay tahay in uu qaado Madaxweyne Xasan Shiikh?

Nin Oday ah dulqaad leh,hogaamin leh,bisil,shalay Doorasho qabtay Kursigana wareejiyay,waayo arag ah,ayaa taladii Dalka la wareegay.

Waxaa laga filayaa in uu Dalka iyo Dadka dib umideeyo dibna gacanta ugu wada qabto noqdo Oday Somalaiyed oo wada matala.

Ninkii Kursigan laga kicin waayay ee diiday Doorasho waxba gacanta kuma hayn Qol buu ku xirnaa SYL iyo Wasaarada Gaashaandhiga,ayuu tegi jiray oo loogu soo gaardin jiray.

Tusaale,waxaa kuugu filan in aysan Dalka Dowlad ka jirin shalay Teendhada Doorashada,waxaa lagu soo tuuray Sadex Hoobiye.

Madaxweynaha cusub,waxaa laga rabaa in uu dhamaystiro qabyadii uu ku wareejiyay Farmaajo 2017 ee weli halkeedii ah..

1.Dhamaystirka Dastuurka.

2.Dib udhiska Ciidanka.

3.Qaybsiga Khayraadka

4.Maqaamka Caasimada

5.Fadaraalaynta.

6.Ka sifaynta Dalka argagixisada.

Qabyo waa halkeedii aad ku wareejisay Xasan Shiikhoow 2017.

Jibril Qoobey.