Xasan Shiikh iyo Farmaajo oo kawada hadlay xilwareejinta

Goordhaweyd waxa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ku soo dhamaaday kulan ay yeesheen Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xafiiska baneynaya Maxamed Cabdillahi Farmaajo.

Sida illo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ay BBC-da u sheegeen labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay sida ugu suurta galsan ay u dhici lahayd xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha, iyadoo la isla gartay in si degdeg ah loo magacaabo Guddi arintaasi ka shaqeeya, oo uu hoggaamin doono Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cabdillahi Ciise.

Madaxweynaha cusub oo hadda degan hudheel ku dhaw garoonka Aden Cabdulle ayaa la filayaa in todobaadka dambe uu u guuro Villa Soomaaliya, halkaas oo lagu qaban doono munaasabad uu xilka si rasmi ah ugala wareegi doono Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.