Madaxweyne Somaliya oo soo dhoweeyey go’aanka lagu soo celinayo ciidamada Mareykanka

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasilloni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

Tallaabadan ayaa beddelaysay go’aankii uu horey ciidanka Maraykanka Soomaaliya uga soo saaray madaxweynihii xilka uga horreeyey Donald Trump.