Swan oo hanbalyo ugu tagey Madaxweyne Xasan

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan iyo Wakiilka Qaramada Midoobey,ayaa iska xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa.

Si gaar ah waxa ay uga wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.