Doorashada Xasan Sh oo dib ufurtay durba shirarkii Nayrobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir looga hadlayo arrimaha maalgashiga amniga Afrika, kaasoo sanadkiiba mar la qabto.

Masuulyiin ka socdo hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya oo kamid ah wadamada ay ka jiraan caqabadaha dhanka amamanka ayaa ka qaybagalaysa shirkaasi oo ay taageerayaan shirkado ka shaqeeya arrimaha maalgashiga ammaanka.

Xasan Maxamed Saciid (Gacaliye) oo ah Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya iyo Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) haddana ah la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Amniga ee dawladda Federaalka Soomaaliya,ayaa hogaaminaya waftiga Somalida ee Shirkaas ka qaybgalaya.

Waxaa xusid mudan in Dowladii Farmaajo ay ka dhigtay xaaraan tagida Nayrobi iyo ka qaybgalada Shirarka caalamiga ah ee Dalkaas ka dhaca.

Ujeedka Dowladii Farmaajo,ayaa ahayd in Bulshada Somaliyed looga dhigo Kenya cadow lagu mashquuliyo si loo gaaro dano siyaasadeed oo ay wadatay.