Muuse Biixi waa ufuran tahay doorkii Cigaal Ee 60-kii

Muuse Biixi,waxaa ufuran doorkii Cigaal qaatay 60-kii.

Markale Nin kasoo jeeda Beesha Isaaq in uu door taariikheed ku yeesho Midnimada Umadda Somaliyed waa furan tahay.

30-sano oo raadin Jamhuuriyad ay Beesha Isaaq ka tahay Dadka ugu badan leedahayna Deegaamada Caasimada iyo Dekeda Jamhuuriyadaas ku yaalaan waa hirgeli wayday.

Waa khasab sida muuqata in Beesha Isaaq ay aqbasho fursadii 60-kii in aysan dib usoo laabanayn ee ay ka luntay.

Muuse isagoo tixgelinaya mustaqbalka Bulshada Beeshiisa ee ah in aan lagu si hayn karin xaalka ay hada ku jiraan,waxaa horyaala go’aan masiiriya oo uwanaagsan Dadkiisa isaguna taariikhda ku geli karo.

Muusoow Miiska wada xaajoodka la imow gooni goosadka waa ka tanaasulaynaa ee waxaan ku badalano ,ayaan wadanaa ee aan kawada hadalno Somali weyneey.

Hadii baqdin amni jirtay,waxaa balaayo xijaab u noqon kara Beesha Isaaq nidaamka Fadaraalka ah haday u arkaan in uusan ku filnayna Konfedereeshin,ayaa furan.

Sidoo kale awood qaybsi uu ku qanco Wiilka Beesha Isaaq ee hanka leh waa laysla fariisin karaa oo baqdinta ah in uu Somali weyn ku dhexlumo waa lasoo afjari karaa.

Muhiimadu waa Somaliya isweheshata,Qaran ah,Dimuqraadiya,Fadaraal ah oo iskaraamaysa.

Jibril Qoobey.