Deni oo ay ubadan tahay in loo magacaabo jagada ra’isalwasaaraha Somaliya

Way ubadan tahay in jagada ra’isalwasaaraha uu qabto Madaxweyne Deni ugu danbayn.

Axmed iyo Deni in ay la kulmeen Xasan Shiikh oo ay hordhigeen soo jeedintooda uuna ka aqbalay ayay wararku sheegayaan.

“Labadayada maamul waa kula shaqaynaynaa garbana waa unoqonaynaa Dowladaada ee booska ra’isalwasaaraha halkaa noo dhig in uu ku yiri Axmed Madoobe,ayay wararku sheegayaan.

Xasan oo aan dhaafi karin soo jeedinta Madaxda Labada maamul ee iska leh ra’isalwasaaraha xiligan xasaasiga ah in uu aqbalay dalabkooda ayay wararku sheegayaan.

Deni 5-beri kadib waxuu dib ugu soo laaban doonaa Xamar halkii uu ka aadi lahaa Garowe sida lasoo sheegayo.

Jibril Qoobey.