Sakariye S.Salaad oo caawa Gaalkacyo lagu Aasay

Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Sakariye caawa,ayaa la aasay,waxaana ka qaybgalay Maamulka Gobolka,Degmada iyo qaybaha Bulshada.

Dadaal fiican ayay ka galeen Maamulka iyo Ciidamada amaanku baadigoobka gacan ku dhiiglihii dilay Sakariye.

Balse ilaa iyo hada laguma guulaysan in gacanta lagu soo dhigo.

Guud ahaan Gobolka way ka hawlgashay Dowladu,sidoo kale waxay xiriir la samaysay Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Galmudug.

Muhiimadu waxay tahay in la qabto Ehelkiisa ugu dhow iyo Odoyaasha Jifidiisa ilaa laga helayo gacan ku dhiiglaha si xaalada loo xakameeyo.

Gaalkacyo way degan tahay,waxaana kuu muujinaya amnigeeda sida weyn isu badalay habeenimada Madaxda Gobolka ee ka qaybgashay Aaska.

jibril Qoobey.