Shirkadda Hyundai oo illaa $10 bilyan ku maalgashanaysa Maraykanka

Shirkadda Hyundai ee laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay inay lacag gaadhaysa illaa $10 bilyan oo dollar inay ku maalgelinayso dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la kulmay masuuliyiinta shirkadda Hyundai, intii uu safarka ku joogay dalka Kuuriyada Koonfureed, wuxuuna sheegay in iskaashiga dhaqaale ee labada dal uu horseedayo inuu sii xoogaysto xidhiidhka labada dal.

Maalgelinta shirkadda Hyundai ee Maraykanka, waxaa ku jirta illaa $5.5 bilyan oo loogu talo galay in lagu maalgeliyo baabuurta korontada ku shaqaysa iyo weliba wershed weyn oo soo saarta bayteriyadda taas oo la filayo in laga dhiso gobolka Georgia.

Madaxa shirkadda Hyundai Euisun Chung oo hareer taagnaa madaxweyne Biden ayaa sheegay in shirkaddiisu ay lacag gaadhaysa illaa $5 bilyan oo dollar inay ku maalgelinayso baabuurta iskood isu wada iyo weliba teknoolajiyado kale.

Madaxweyne Joe Biden ayaa intii uu safarka ku joogay dalka Kuuriyada Koonfureed wuxuu booqasho ku tegey saldhiga Maraykanku ku leeyahay Kuuriyada Koonfureed iyo weliba xarumaha ciidamada ee dalkaas, isagoo sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu ka falceliyey daandaansi kasta oo ka yimaadda hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un.

Maalgelinta shirkadda Hyundai ayaa noqonaysa, maalgelintii ugu ballaadhnayd ee shirkad laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ay ku samayso Maraykanka, waxaana tani muujinaysaa sida labada dal ay xidhiidhkoodii militari ee soo jireenka ahaa ugu bedelayaan xidhiidh ganacsi oo qoto dheer.

AP