Yaa ka danbeeyay dilka Sakariye Siciid Salaad?

Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Sakariye oo ka mid ahaa Dhalinyarada aqoonta leh ee Gobolka Mudug.

Sakariye,waxaa Aano Qabiil udilay Nin ka caraysan Nin kale oo horay loogu dilay Degmada Goldogob.

Ninka horay loogu dilay Goldogob oo kasoo jeeda Beesha Reer Bicidiyahan,waxuu ka mid ahaa kooxaha Cabtooyda loo yaqaan.

Halka Sakariye oo kasoo jeeday Beesha Leelkase uu ahaa hormuudka Umadda Gobolka laga tilmaamo.

Sakariye shaqo kuma lahayn Dilka Ninkaas Cabtooyda ah,balse waxay isku hayb ahaayeen kan dilay.

Waa nasiibdarro weyn.

Booliska Mudug,waxay daba joogaan soo qabashada gacan ku dhiiglaha oo ay baadiyaha ku cayrsanayaan.

Jibril Qoobey.